Qisadani akhristoow waxey ku saabsantahay rag caan ah oo soomalida ku magac bixiyay, Abwaano iyo Talis xukumona isugu jira. Qisadani waxey ka bilaabatay Raage Ugaas iyo Nin uu gabadh ka doonay oo reer jigjiga ah, kadibse dad badan aafeysay. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka sasabane ee ogaadeeniya, kana tirsan gobolka jarareed ee xarunta utahay Dhagax-Buur. Raage Ugaas wuxuu kasoo jeedaa qoys talin jiray oo ugaasyo ahaa badankood, aabihii Waa Ugaas Warfaa Faarax Samatar, Raage waxaa kor uga weynaa Walaalkii Xuseen oo isna Ugaas noqday.
Raage isagoo quwad qabiil, talis, iyo abwaanimo magac-dheer isugu darmatay ayuu qoodhsaday oo uu guur doontay. Wuxuu ilaalada kolba meel mariyaba, waxaa lasoo sheegay gabadh qurux badani inay jirta oo faadumo nuur la yidhaahdo oo reer jigjiga ah, oo iyada laftigeedu qoys garaado iyo quwadba leh ah. Raage reerkii buu dhowr jeer tagay, si caadi ah isagoon danihiisa sheegan, ileen reerku ab iyo oodna midna makala foga, oo wax shaki ma beerin booqashada raage ugaas.
Raage dhowrkii jeer ee uu tagay soona hubsaday quruxda gabadha iyo asluubta ilaahay u dhameystiray, Jacayl ayaa qaaday hami guur.Gabayadii uu gabadha kula hadlay waagaas, hadaan mid kasoo qaadno waxaa ka mid ahaa,Gabaygani wuxuu cajiib ku yahay isagoon gabadha haa iyo maya midna ka heysan, ayuu raage isu badiyay dhankii mayada oo uu ka dhigayaa in gabadhu diiday, si uu ugu beer laxowsado, oo kolkaa intey naxdo ay haa u tidhaahdo durbaba.
Ogoobay aduunyada ma jiro edeb wax dhaamaayeWaan kugu adkeeyaye haddaad iga ajiibeysoHadaan ina adeereey ku idhi soo ma urugootidIsaguba makala aamuusa waa isu olo-laayeAbeertiisa naaxdiiyo hadduu aaranku is waayoGeeluba ugaasooy hadduu ayda miranaayoArin sidaad ukala laasataan adi uun baa og.Oo oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto.Oo eed sokeeyiyo kabaqay uubatiyo qayloIna abtaay nin aragaaaga jecel kuuna iman waayay.Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye.Alayl dhexe illayskii imaray ababa’daan mooday.
Raage jacaylkii qaaday iyo gabaygan oo dadkii ka dhawaa aga-gaarkaas deegaanku ahaa oo faafayba, waxey ku kaliftay inuu gabadha doonto. Xulufada raacday ee gabadha la doontay waxaa ka mid ahaa, Aw Muxumed Salal, Ugaas Xuseen, Aw Cumar, iyo Xirsi-Jabane Faarax-Cade. Qaabkii guurka loo soo mari jiray iyo arimihii la is dhaafsan jiray oo dhan baa la isku af-gartay, Hadalna idinkuma deeqsiin karee, maaban idiin soo bandhigo Gabay muujinaya oo sawir wanaagsan ka bixinaya Guurka qurxoon, Waxaana tirshay geerarshihii weynaa ee la odhan jiray Weerar Bulxan Yuusuf, muddo isla beryahaas ku dhow. Wuxuu Yidhi Weerar Bulxan:
Adoo dooba reer wacan hadaad doonto gabadhoodaDalaaqaha hadii lagu xidhiyo meherka diinteenaSida dowga dhaqankeenu yahay yarad hadaad deeqdoOod dalawa geel iyo fardiyo duunyo badan dhiibtoTodobaadka horre waa duciyo dadabgal kaagi dheh
Sawirkaas korre ee Weerar Bulxan ina siin hayo, Ayuunbeynu ku tilmaami karaa qisada dhex martay Raage Ugaas iyo Qoladii uu Gabadha ka doontay. Waxaasa lagu xukumay Sadex xujood, oo Gabadha aabaheed ku xujeystay Raage Ugaas. Sadexdaas xujo waxaa ka mid ahaa, Faras Gallaalan, Ugxan Goroyo, iyo Ilig Maroodi.
Raage arintaas sahashayoo, howraarsan buu yidhi, dib buuna isu soo majiiray,Tashiga uu ku soo tegeyn yahay, hadii sadexdaas xujo soo furo, Inuu gabadha la wareegi dooni,wakhtiga uusoo sheegto isagu. Ugxan goroyo leh, oo geyigaas Ogaadeeniya aad ugu badnaa,Ilig maroodina lehel oo Wakhtigu wuxuu ku aadanyahay 1850-60′kii, oo Ingiriis iyo Xabashi midna ma xaalufinin, oo Ugaadhi waa tubantahay. Faraskii Galaalnaa ayaa la waayay, Faras Gallaalan hadaan idiin macneeyno, waa Faras Madow, Midab dhiin ahna ku jiro,Kobta sanqaroorka ahna Bar-cad ku leh.
Raage Ugaas wakhti dheer bay ku qaadatay iyo socoto dheer, iyo Kolba reer marti iyo meejii lagu sheegaba geyiga soomaaliyeed. Markii dambe ayaa lasoo sheegay in Faras Gallaalan uu heysto nin majeerteen ah oo ka talin jiray dhul xeebeedka korre, lana odhan jiray Boqor Maxamuud Yuusuf (Xaawade), Oo Boqor Cismaan Aabihii ah.
Raage Ugaas isagoon cidna la tashan ayuu dhaqaaqay, Safar dheerna usoo galay inuu ninkaas is arkaan. Sida loo badanyahay oo dadka suugaanta iyo taariikhda uruursha, Iyo qoyskii qisadani ku saabsaneyda, waxaa la isku raacay in Raage kolkuu reerka uyimid, uu iska dhigay nin dhaan-dhaaman oo maskax-dhiman ah.
Soomaalidu isuma gudbi jirin, oo Raage Ugaas inkastuu magac-dheeraa oo gabayadiisa la wada hayay, laguna halqabsan jiray oo hadalka maalinta madasha la joogo,lagu toosan jiray halku-dhagyadiisii. Hadana fursad buu u helay in qoyskii uu booqday ayna muuqaalkiisa garan.
Raage in maalmo ah ayuu reerka joogay, isagoo la leeyahay, Nin waalan oo dheer oo qurux badan baa inagaga yimid dhankaas galbeedka,Wuxuu udhukubaaba, maalintii dambe ayuu arkay Boqor Xaawade oo beeshiisa majerten shir u qabanaya meel geed hoostii ah. Faraskiina wuxuu ku xidhanyahay meel geedka inyar u jirta oo gabadh uu boqorku dhalay baa la joogta oo yar, raage intuu talaabo haldhaa qaaday buu faraska geedkii ka furay, kuna booday oo la fakaday.
Boqor Maxamuud Xaawade yaa intuu sheeda ka eegay faraskii oo sii boodhinaya yidhi, Walee Ninkaasi ma waala oo siduu fardo fuul uyahay baan arkaaye, War jiraase cakaara. Waa maalinta ay maah-maahdu baxeyso, Cakaarana waxey aheyd tuulo aad xadaaro badan oo boqorka hoos iman jirtay.
Raage Ugaas isagoo wada faraskii galaalnaa, yuu soo istaajiyay sabada Sasabane,gabayna wuu ka tirshay ay niman uruursan uu kala hadlayay, iyo faraskuu kasoo dhacay Maxamuud Saleebaan iyo Iyo In jidwaaq loo wada xoolahan, Wuxuu kale sheegayaa inuusan Raage aheyn nin gacan adag oo bixin haya, wixii la weydiisataba, siduu dooni haku keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas:
Faraskan shisheeyaha iyo u galay shuunka maxamuudaFaraskaan markii laga shakiyay laba shanaad siistayFaraskan sharabihiisii ku daray sidigtii dhool shaaxinWaa shay mug le bagaan Jidwaaq ku shakamadeeyayNimankaad shaxayseen bagaan sharad ku beeneeyayShukrina waxan u naqayaa inaan shiqib ku weynaanin
Raage Ugaas waxaa ukaamil noqday sadexdii xujo, oo maalinkaas gacantiisa ilaahay wada gashay, wakhti dheerse ku lumay, Ugxan Goroyo, Faras Gallaan, Ilig Maroodi. Raage intuu soo maqnaa ee uu arimahan lagu xujeeyay raadintooda jirayba, waxaa reerkii gabadhu joogtay ku dul wareegahayay Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiil-Waal). Garaad Faarax Wuxuu ahaa Boqor ka talin jiray Galbeedka Ogaadeeniya, Aadna caan u ah oo lagu bartay Xujooyin Maldahan iyo fiiro-dheer, Qabiil Quwad lehna dhex taagnaa. Garaad Faarax oo gabadha isna arkooday, aanse ogeyn in gabadhu doonantahay, ayaa dhowr jeer gabadha aabaheed weydiistay, wadaadkii baa ku jawaabay gabadhu waa doonatahay.
Garaad Faarax baa yidhi oo qolomey udoonantahay, Ninkeyse udoonantahay, Wadaadkii baa ku jawaabay, Gabadha waxaa ka xoola baxshay Nin Reer Ugaas Samatar,Oo Reer Ugaas Xirsi ah, oo Raage Ugaas ah. Garaad Faarax markuu maqlay in ninka gabadha doontay yahay Raage, horayna uga dhaxeysa halgaad-maanso iyo is af dhaaf,ayuu damac labaad oo waalan sii galay. Raage Ugaasna aad buu ugu raagay xujooyinkii loo diray, inkastoo oo uu ku guuleystay keenistoodii, hadana wakhti bay ku qaadatay, Garaad Faarax si uu yeelayba alla inaga oge, Wadaadkii intuu tiigsaday raage, Ayuu Gabadhii siiyay Garaadka.
Gabadhu inkastooyna ku qanacsaneyn guurka qasabka ah ee la siiyay garaad faarax, oo ay wali hamigeedu jiray Raage Ugaas iyo wada sheekeysigoodii horre, hadana hadalkii wadaadka unbay noqotoyoo, gabadha la guuri. Raage ayaa reerkii yimid, isagoo arimihii loo diray wada,gabadhii uu socdayna degantahay reerka oo dhowr biloodba la qabo, garaad faaraxna ku yahay inan layaal.Raage buulkii u horeeyay ee uu fooda soo gashay baa noqday kii gabadha, Biyo isiiya buu yidhi, Gabadhiina garatay ninkuu yahay oo way aqoonsatay, Raagena aqoonsay, Laakiin la isma wareysan, oo raage wali waa war-moog, Gabadhase wadnahaa loo dhaafay naxdin iyo argagax.
Raage oo geed fadhiya oo biyihii cabaya, Ayeey gabadhii intey orod balaw tidhi aabaheed keentay, Wadaadkii baa ugu tagay raage geedkii. Kobtii baa la isku wareystay oo lagu kala war qaatay, Raage intuu cabaar aamusnaa, Marna istaagay, Marna fadhiistay, amakaag iyo fajac awgii, ayuu gabaygan marshay oo soomaali oo dhan ku caan baxay. Gabaygan wuxuu ina tusayaa, Umuurtan weyn ee lasoo gudboonaatay iyo dhibkuu soo maray, iyo sida uu rajeynayo inay wax isu badaleen, aama dhiig ha udaato ama si kale halagu keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Uraxmee.
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaayeOnkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ahAlleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa ogLabadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Aroos Uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaayeUsha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaayeMa aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taaleOrod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada eOo aabeheed aqal midkale meel illina seexshaySidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahayeNinka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ilaalada halkaan ka arda dhigi waan odorosaayeorod kulama boodiyo anoo soo argaagaxaye Amba Qaadka geediga kobtaan awrka marinaayo
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeeshoAlle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihiAfdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahayeNin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye Nin walaalkii Ugaas yahoo eedday baan ahaye
Hadii Tixdaas uu tiriyay Raage Ugaas, Wadaadkii intuu is garan waayay wuxuu ku hadlo, Ayuu Yidhi, Gabadha ka yar baan ku siine, Gabayga kobtaa ku jooji raagow. Raagena yeel oo gabadhii ka yareed baa la siiyay, Walise qalbigiisu min weyntii buu la jiraa uu dhibaatada usoo maray, ee uu xeebta salkeeda uga soo qaaday faraska. Raage isla qoyskii ayuu isna ku noqday inan layaal, Garaad Faaraxna waa inan layaal, oo labadii gabdhood baa lakala qabaa. Garaad Faarax oo tixda Raage ugaas ee Hub uruursiga ah maqlay ayaa si kibir ah ugu yidhi gabadhuu qaabay, Naa ani iyo raage geedkaas baanu kusoo shixiye, intaad si fiican usoo labisato, Ta kaa yar ee raage la siiyayna soo kaxee, oo qolqolka nagu soo dul mara Shaxdii iyadoo la jeexday,oo caadi loo ciyaarahayo, Raagase shafkiisu guuxayo cadho owgeed, ayeey labadii gabdhood soo dul mareen oo mida weyni aad ulabi santahay. Raage Ugaas baa aad il-qoodhka ula raacay, Garaad Faaraxna waa intuu rabaye, Raage Ugaas intuu ciil isla garan waayay ayuu tixdan bilaabay, labada dhinacna la is daba marsaday tixdo sababi doona dhiig daadashadii.
Raage Ugaas Warfaa:Geenyada inaan toociyaa ila gudboonaydesidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaayeKannaan dagay ………………..
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysaQiyaasli’i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiyeKannaan dagay………………..
Raage Ugaas Warfaa:Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysaManala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabatoKannaan dagay………………
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quutoQooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunayninKanaan dagay……………….
Raage Ugaas Warfaa:Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quutoMa nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabatoKanaan dagay………………..
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiicanMa lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaadayKanaan dagay……………….
Raage Ugaas Warfaa:Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidanMala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
Raage oo kusoo gunaanaday “Mala Qoonsanayaa haduu rubada ka qaado” iyo tooridii oo uu dhuunta ka gashay Garaad Faarax ayaa is raacay, Sidaas ayuuna Garaadkii ku dhintay. Raage Gabadhii weyned ee uu horey u caashaqay ayuu faraskiisii weehad ahaa soo saartay, lana soo dhaqaajiyay. Gabayadii uu dib udiray iyo farimihii waxaa ka mid ahaa, hadan wax kasoo qaadano:
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaayeQaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilayeQar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhineQacda waaga labadeena qolo ha isu qaateeneWalee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo
Raage Ugaas isagoo gabadhii la aqal galay, Colaadna jirto labadii qoys udhaxeysa, Ayaa amar ilaahay , Libaax qaaday gabadhii, kobtiina ku geeryootay Allaha Unaxariistee. Raage Ugaasna wuxuu ka marshay Gabaygan Muruguda miidhan ah ee isna caanka ah, ee uu sheegan hayo in gabadh midaa udhiganta uusan waligiiba heli doonin:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ahAma geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayoAma beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaayaAma ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafayAma koox ardo ahoo quraan kaadibka u toostayAma habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyayAma kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabisShinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomiXalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuyeKunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?Wixii laygu kuuniyay miyaa, igu karaamoobay?Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?Maantana kataankii miyaa, layga kala qaaday?Kob abaar ah meel dhexe miyaa, koore ila meeray?Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keenokolna waxaana heli karayn haween faadumoo kale’e
Muddo aan xiligaas ka fogayn ayaa Raage Ugaas lagu dilay Dagaal ay Jidwaaq soo qaaday, Khaasatan Abasguul oo aarsi ah, Wuxuuna ku aasanyahay Meel Magaalada Fiiq inyar ka xigta Galbeed, Allaha Unaxariistee.
Wednesday, 18 January 2012
Subscribe to:
Post Comments (Atom)